4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2024
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta meel mariyay ku biirista Soomaaliya ee ururka EAC
 

Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay xubinimada Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Ansixinta baarlamaanka ayaa u gogol xaaraysa in Soomaaliya ay xubin rasmi ah ka noqoto ururka EAC.

Soomaaliya ayaa bishii November ee sannadkii hore la ogolaaday inay ka mid noqoto ururka dhaqaalaha gobolka ka dib sannado badan oo olole loogu jiray.

Golaha Wasiirrada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa waxaa loo xilsaarey in marka loo gudbiyo heshiiska maanta la ansixiyay, inay guda galaan fulinta iyo dhameystirka xubinnimada rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bishii November 24keedii, 2023 ayaa Shir Madaxeedkii EAC oo ka dhacay Arusha lagu ansixiyay codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Guddoomiyaha xilligan ee EAC, Madaxweynaha Jamhuriyadda Koonfuurta Sudan ayaa bishii December 15-keeda, 2023 si rasmi ah u saxiixay heshiiska ku biiirista Ururka.

Soomaaliya ayaa noqoneysa xubinta 8aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Waddamada kale ayaa kala ah Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, Koonfuurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo (DRC).