12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2024
Baydhabo: Codka dhallinyarada iyo hindise-sharciyeedka ka hortagga leexinta gargaarka

Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Shir heer sare ah oo ka dhacay Baydhabo intii u dhaxeysay 5 ilaa 9 bishan Diseembar oo looga hadlayay ansixinta hindise-sharciyeedka ka hortagga leexinta gargaarka ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa si weyn diiradda loogu saaray muhiimadda matalaadda dadka laga tirada badan yahay iyo dhalinyarada.

Caa'isha Cumar Maxamed, oo ah 24-jir ka shaqeysa Wasaaradda Waxbarashada, ayaa ka mid ahayd dadka hadalka qaatay, iyadoo codkeeda u adeegsatay kor u qaadista arrimaha muhiimka u ah bulshadeeda.

"Markii aan soo galay madasha, ma hubin in codkaygu saameyn yeelan doono laakiin waxaan ogaa inaanan aamusi karin maadaama aan matalayo dad aan cod lahayn," ayay tiri Caa'isha.

Caa'isha waxay diiradda saartay sida leexinta gargaarka ay si gaar ah u saameyneyso bulshooyinka la haybsooco ee ku tiirsan kaalmooyinka bani’aadamnimo. Waxay ku baaqday in la sameeyo hab-raacyo hufan oo hubiya in gargaarku gaaro dadka loogu talagalay. 

“Leexinta gargaarku waa dhibaato ba’an oo saameysa dad badan oo aan haysan wax kale oo ay ku tiirsan yihiin,” ayay tiri, iyadoo dalbatay in talaabo sharciyeed laga qaado kuwa ku lug leh musuqmaasuqa noocaan ah.

Intii uu socday shirka, Caa'isha waxay su’aallo weydiisay madaxda dawlada, waxayna soo jeedisay in sharcigan muhiimka ah aan lagu koobin oo keliya Koonfur Galbeed balse loo baahan yahay in laga hirgeliyo dhammaan dalka. Waxay sheegtay in bulshooyinka laga tirada badan yahay ee ku nool gobollada kale ee Soomaaliya ay la kulmaan dhibaatooyin la mid ah kuwa Koonfur Galbeed.

"Sababta aan su’aashaas u weydiiyay waxay ahayd inaan iftiimiyo in bulshadayda oo dhan ay mudan tahay in ay helaan xuquuqaha aas-aasiga, cadaallad iyo sinnaan dhab ah,” ayay tiri.

Ka-qaybgalka Caa'isha wuxuu muujiyey doorka dhalinyarada ee qaabeynta siyaasadaha Soomaaliya. Waxay iftiimisay in dhalinyarada laga tirada badan yahay ay si firfircoon uga qayb qaadan karaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya, haddii la siiyo fursado ay kaga qaybalaan madalaha noocaan oo kala ah, kuna cabbiraan fikradahooda.

Iyadoo shirka uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo loo qabto Koonfur Galbeed, Caacisho ayaa qirtay in waqtiga kulanka oo koobnaa u diiday inay soo bandhigto dhammaan aragtiyadeeda. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku faraxsan tahay in loo ogolaaday inay talooyinkeeda iyo su’aalaheeda ku gudbiso ciwaan email ah oo loo sameeyey uruurinta tallooyinka ka qaybgalayaasha.

Caa'isha, oo shahaadada koowaad ka qaadatay Jaamacadda Aden Cabdulle Cismaan ee Muqdisho sannadkii 2023, ayaa caqabado badan kala kulantay shaqo raadinta. Bilowgii sanadkan 2024 waxey fursad u heshay kamid noqoshada barnaamijka John Lewis Minority Fellows, kaas oo ka caawiyay helida tababaro iyo meeleyn shaqo.

Fursadan, waxey Caacisho siisay faham iyo door ay kaga falceliso caqabadaha la xiriira arrimaha gargaarka ee ay wajahayaan bulshooyinka la heebsooco iyo kuwa laga tirada badan yahay ee Koonfur-Galbeed. Waxay rajeyneysaa in sharcigan uu noqdo mid dhammeystiran oo difaaca xuquuqda kaalmooyinka bani’aadantinimo.

"Sharcigan waa bilow muhiim ah, laakiin weli naga horreeyay waddo dheer,” ayay tiri, iyadoo xustay inay sii wadi doonto dadaalka ay ku taageerayso dhismaha sharciyo dhowraya xuquuqda dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirkan ka dhacay Baydhbo wuxuu muujiyay muhiimada matalaada dhammaan bulshooyinka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaabeynta sharciyo iyo siyaasado wax tar leh oo loo dhanyahay. Cododka dhallinyarada firfircoon, sida Caa'isha waxay tusaale u yihiin doorka dhallinyarada ee dhismaha dowladnimada iyo dedaalka qaran ee lagu xaqiijinayo helida xuquuq siman.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]