Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Shirkaan oo ka socday magaalada Muqdisho labadi maalin ee lasoo dhaafay ayaa ahaa mid looga hadlay muhiimada Istiraatiijiyada xiriirka Warbaahinta Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka.
Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo agaasintay shirkaan waxaana ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socotay dowladda Fedaraalka, dowlad goboleedyada dalka, Maamulka gobolka Banaadir, Warbaahinta, bulshada rayidka iyo Wakiilo ka socday Saaxiibada Caalamka.
"Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee maanta lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada midoobay l UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha dowladda iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.
Shirkaan ayaa ahaa mid lagu faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligaan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha hay’addaha kala duwan ee Dowladda, iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dhankiisa tilmaamay in shirkaan uu ahaa fursad ay ku wada hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyigalinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo dhankiisa hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Warbaahintu door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynaayo Al-shabaab.