Hiiraan Online
1/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2024
Jubaland oo Dowladda Federaalka ku eedeysay dagaal maanta ka dhacay Doolow
Isniin, December 23, 2024 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa waxa uu Maamulkaasi ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dagaal maanta ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Jubaland ayaa sheegtay in arintaan looga danleeyahay qalqal gelinta xasiloonida Jubaland.
Warka sidoo kale waxaa lagu sheegay in Ciidamo katirsan Hay'adda Nabad sugida oo amar ka haysta Madaxweyne Xasan Sheekh ay weerareen garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow, Saldhiga Booliska iyo xarunta degmada iyadoo looga gol leeyahay in lagu wiiqo amniga iyo hanaanka maamulka deegaanka sida hadalka u dhigeen Jubaland.
Warka kasoo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay sidoo kale in masuuliyada khasaaraha weerarkaas ka dhashay uu qaadayo Madaxweyne Xasan sheekh.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeeynta culus ee uga timid dhinaca Jubaland gaar ahaan dagaalkii maanta ka dhacay Doolow.