1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2024
Dowlad Degaanka Soomaalida oo sheegtay inay jiraan xoogag dhiirigalinaya dablaydii hubaysnayd ee Dacawaley ku weerartay Ciidanka
 

Isniin, December 23, 2024 (HOL) - Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa maanta mar kale war kasoo saartay dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Dacawaley ee Dowlad Degaanka Soomaalida, kaas oo udhaxeeyay dablay hubaysan iyo Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida.

Haddaba war qoraal ah oo maanta kasoo baxay Xafiiska Nabadgalyada ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay inay jiraan xoogag qayb ka ah ama dhiirigalinayay dablaydii hubaysnayd ee Jimcihii aynu soo dhaafnay weerarka ku soo qaaday Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida ee ku sugnaa duleedka magaalada Dacawaley ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Dowladdu waxay sheegtay in Kooxda Al Shabaab ay qayb ka yihiin kooxaha ka faa'iidaysanaya dagaalkan, iyagoo sheegay in Al Shabaab ay soo saareen qoraallo ay ku dhiirigalinayaan in dagaal lala galo Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida, si Al Shabaab ay fursad ugu hesho in xubnahoodu si fudud ay qaab qabiil ugu galaan gudaha Itoobiya.

Waxa kale oo ay Dowladdu sheegtay inay jiraan dad kale oo aan faham buuxa ka haysan Dowlad Degaanka Soomaalida, iyadoo Dowladdu sheegtay in Ciidanka degaanku ay yihiin Ciidamo Soomaaliyeed oo ka kooban dhammaan Soomaali oo dhan, oo aysan ahayn Ciidan qabiil iyo wixii lamid ah.

Intaa kaddib Dowladdu waxay sheegtay in Waajib Dastuuri ah Dowladda ka saaran yahay sugidda amniga bulshada iyo xuduudaha dalka iyo degaanka, iyo in dhaqdhaqaaq kasta oo koox ama Jabhad hubaysan ah oo kasoo horjeeda Nidaamka Dowladda iyo wada noolaanshaha bulshada inaysan ka dhaq dhaqaaqi karin gudaha Dowlad Degaanka Soomaalida.

Dowladdu waxa kale oy sheegtay in si dhab ah ugu kuur gali doonto dagaalladii u dambeeyay iyo dilalkii ka dhacay inta u dhaxaysa Xarshin iyo Yoocaale oo ka tirsan  gobolka Faafan iyo Jarar, baadhis gaar ahna ku samaynayso cid walba oo sabab u ahaa dhacdooyinkaas ama si qayb ah ugu lug lahaa,

Ugu dambeyn waxay Dowladdu sheegtay in Cid walba oo cabasho ka qabta nidaamka Dowladeed inay u furan yihiin Albaabada Dowladda oo ay keensan karaan cabashadooda iyo waxa ay tabanayaan iyagoo Ilaalinaya Nabadgalyada, iyadoo dhinaca kalena Dowladdu ugu baaqday Shacabka Degaanka Soomaalida iyo Dadyowga Soomaaliyeed ee deriska la ah Dowlad Degaanka Soomaalida in la Ilaaliyo Nabadgalyada iyo wada noolaashaha.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Dacawaley ee Dowlad Degaanka Soomaalida ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dablay hubaysan iyo Ciidanka Dowlad Degaanka Soomaalida, dagaalkaas oo khasaare badan gaystay, inkastoo aan wali colaaddii aaggaas ka dhalatay aan xal rasmi ah laga gaarin, haddana labada dhinac ee dagaalku ka dhaxeeyay waa kuwo is hor fadhiya oo mar kasta ay suuro gal tahay inuu dagaal kale ka dhex qarxo.