12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2024
Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Somaliland oo Lagu Dhawaaqay
 

Sabti, December, 14, 2024 (HOL) - Waxa lagu dhawaaqay 28 wasiir, 16 wasiir ku xigeen iyo 3 wasiir u duule oo kamid noqon doono golaha fulinta ee xukuumada cusub ee Somaliland, ee uu gadhwadeenka kayahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Wasiirada xukuumada cusub ayaa ka kooban Cabdalla Maxamed Carab oo noqday Wasiirka Amniga Gudaha, Xasan Axmed Ducaale Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, iyo Yoonis Axmed Yoonis Wasiirka Caddaaladda. Cabdillaahi Xasan Aadan oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) oo noqday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Difaaca. Wasiirada kale ee waaweyn waxaa kamid ah Marwo Kaltuun Xasan Cabdi Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta iyo Dr. Xuseen Bashiir Xirsi Wasiirka Horumarinta Caafimaadka.

Wasiirada kale waxaa kamid ah Axmed Maxamed Barre oo loo xilsaaray Tamarta iyo Macdanta, Fu’aad Axmed Nuux oo noqday Wasiirka Duulista iyo Hawada, iyo Cismaan Ibraahim Nuur Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa loo magacaabay Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda halka Milgo Maxamed Cilmi loo dhiibay Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac ayaa noqday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, halka Cabdiraxmaan Xasan Nuur loo magacaabay Ganacsiga iyo Dalxiiska.

Wasiiru-dawlayaasha waxaa kamid ah Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul Wasiiru-dawlaha Waxbarashada, Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiiru-dawlaha Amniga Gudaha, iyo Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi Xasan Wasiiru-dawlaha Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Wasiiru-dawlayaashan ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan wasiirada.

Wasiir ku-xigeenada waxaa ka mid ah Mukhtaar Xaaji Muxummad Wasiir Ku-xigeenka Beeraha, Samsam Maxamed Saalax Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka, iyo Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) Wasiir Ku-xigeenka Dawladaha Hoose. Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) iyo Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa iyaguna kamid noqday ku-xigeenada.

Waxa la filaya in dhawaan lagu dhawaaqo xubno kale oo kamid noqon doona xukuumada, madaama oo xubanaha wasiirada iyo wasiir ku xigeenadu ay kala badanyihiin.