Sabti, December, 14, 2024 (HOL) - Mareykanka ayaa soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay shirkii Ankara ee dhacay Arbacadii kaasoo ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku xaqiijiyeen inay ka go'an tahay midba midka kale inuu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu ammaanay heshiiskan oo ay ku tilmaantay tallaabo horey loo qaaday, iyadoo ku amaantay Dowladda Turkiga doorka dhex dhexaadineed ay arintaan ka qaadatay.
“Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka Antony Blinken.
Blinken waxa uu intaas ku daray in Washington ay sugeyso "wada xaajoodka farsamada" ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya "iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya."
Bayaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in sii socoshada wada hadallada labada Dowladood iyo ka qayb galkoodi ay muhiim u yihiin kobcinta xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.