4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2024
Midowga Afrika oo raadinaya dhaqaale ay ku taageeraan howlgal cusub oo lagu beddelayo midka ATMIS sanadka 2025
 

Talaado, April, 9, 2024 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa ku baaqay in la helo dhaqaale ku filan oo lagu bixiyo howlgalka daba-galka ah ee dhawaan la dhisi doono kaddib markii uu dhamaado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) bisha December ee sannadkan. .

"AUPSC waxay soo dhawaynaysaa soo jeedinta dawladda Soomaaliya ee dib u habaynta ammaanka ATMIS ka dib, waxayna tixgelinaysaa codsigii Soomaaliya ee ahaa hawlgal taageero nabadeed oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo oo ay Qaramada Midoobay oggolaatay si loogu beddelo ATMIS laga bilaabo Janaayo 1, 2025," AUPSC,"ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay golaha nabadda ee Midowga Afrika.

Ciidamada ATMIS ayaa lagu wadaa in ay dalka baxaan bisha December ee sanadkan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa socda diyaar garowga howlgal xiga oo la doonayo in lagu joogteeyo dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

AUPSC, oo ah hay'adda go'aan ka gaarista Midowga Afrika ee ka hortagga, maaraynta, iyo xallinta khilaafaadka, waxay ku celisay baahida loo qabo in la sii wado taageerada Soomaaliya iyadoo la dhisayo tayada ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

AUPSC ayaa sheegtay in tani ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya in ay dardargeliso abuuritaanka ciidamada iyo dadaallada isku dhafka ah ee lagu xaqiijinayo in si hufan loo qaato mas’uuliyadaha amniga ka dib markii si buuxda loosoo gabagabeeyo howlgalka ATMIS.