5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2024
Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo digniin adag kasoo saartay weeraro argigxiso oo ka dhici kara Muqdisho
 

Talaado, April, 9, 2024 (HOL) - Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin culus oo ku aaddan qatarta dhanka amaanka ah ee kusoo wajahan muwaadiniinteeda ku sugan Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa heshay xog ku saabsan hanjabaadyo loo jeedinayo goobo badan oo ku yaalla Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa la joojiyay maantoo Talaado ah.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinteeda in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee Soomaaliya. Waxaa laga yaabaa inay qaadaan weeraro iyagoo beegsanaya garoomada diyaaradaha, dekedaha, koontaroolada, xarumaha dowladda, hoteelada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dadka reer galbeedka ah,” ayay tiri safaaradda Maraykanka.

Digniintan ka soo baxday safaaradda Mareykanka ayaa ku soo beegantay xilli xalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weeraro hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xarumaha dowladda sida madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha.