5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2024
Ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo weerar culus ka fuliyay deegaan Al-shabaab ka taliso
 

Isniin, April, 8, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo Xalay saqdii dhexe ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle ka fuliyeen deeganada Jiciboow Galbeed oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ciidamada Macwiisleyda ay ka fuliyeen deegaanka Jiciboow Galbeed oo ay fariisimo ku lahayeen kooxda Al-shabaab ayaa yimid kadib markii ciidanka Macwiisleeyda weerar uga gudbeen wabiga Shabeelle ee kala qeybiya Bariga iyo Galbeedka.

Dagaal fool ka fool ah oo saacado qaatay ayaana ku dhexmaray deegaanka Jicibow Galbeed ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa kooxda Al-shabaab, waxaana dagaalkaas guulo waa weyn ka sheegtay ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo la hadalay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay iney cagta mariyeen saldhiggii ay deegaankaas ku laheyd kooxda, islamarkaana weerarka ay ku dileen 11 xubnood oo ka mid ah Al-shabaab

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka weerarka ku qaaday kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay weerarka ay qeyb ka ahayeen diyaaradaha dagaalka oo duqeymo culus kula eegtay deegaanka Helobanaan xubno gurmad u ahaa kooxda Shabaab.

Weerarkaan ciidanka Macawiisleeyda ay ku qaadeen Xalay kooxda Al-shabaab ayaa ah mid noociisa horay u geysan jireen maleeshiyada Al-shabaab, hayeeshee waxa uu muujinayaa weerarkaan dhiiranaanta ciidanka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.