4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2024
Diyaarado dagaal oo duqeeyay Al-shabaab isku aruursanaayay Koonfurta gobolka Mudug
 

Isniin, April, 8, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqeymo culus ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka deegaanka Baraag Garguurte oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Xarardheere.

Deegaanka diyaaradahu ka fuliyeen duqeynta ee Baraag Garguurte ayaa qiyaastii ahaan 20 KM u jira degmada Xarardheere ee dhacda Koonfurta Gobolka Mudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in duqeynta lala eegtay goobo ay isku aruursanayeen maalmahii lasoo dhaafay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku taala deegaankaas, islamarkaana duqeynta jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda loogana gubay ilaa sadax gaari.

"Khawaarijta ayaa maalmahan degaankaasi kusoo gurayay gaadiid dagaal, iyo maleeshiyaad fara badan waxaana xiliga  duqeeymaaha la la beegsaday  halkaa ku sugnaa gadiid dagaal iyo xubno ka tirsan Argagixisada gadiidka khawaarijta laga gubay ayaa gaaraya sadax gaari"ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka laguma faahfaahin khasaare intaas ka badan oo ka dhashay duqeynta, hayeshee waxaa lagu sheegay in jabka khasaaraha gaaray kooxda Al-shabaab in dib laga soo faahfaahin doonto.

Duqeyntaan ka dhacday Baraag Garguurte ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo deegaanada ku yaala Koonfurta gobolka Mudug intooda badan ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo halkaas ka abaabula weerarada ay ka geystaan deegaanada kale ee gobolka Mudug.