4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2024
Horjooge ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Axad, April, 7, 2024 (HOL) - Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Hanti wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Shabaab.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay afar xubnood oo uu ku jiro horjooge magaciisa lagu sheegay Zubeyr oo ahaa madaxa amniga ee kooxda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka Danab ay sidoo kale howlgalka ku burburiyeen fariisimahii kooxdu ku laheyd deegaanka Hanti wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegeen in ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn u kordhiyay maalmahii lasoo dhaafay howlgalada qorsheysan oo ay ka fulinayaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab ee kasoo horjeeda jiritaanka dowladda Soomaaliya.