4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2024
Darawal mooto bajaaj oo magaalada Garowe ku dilay askari katirsan ciidanka Puntland
 

Axad, April, 7, 2024 (HOL) - Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane loo haysto inuu magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ku dilay askari katirsan ciidanka amniga gobolka Nugaal.

Askarigaan ayaa lagu dilay bartamaha suuqa magaalada Garowe, isagoo kamid ahaa ciidan loo xilsaaray nabad galyada suuqa dharka lagu iibiyo, maaddaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee u diyaar garowga ciidda.

Hay'adaha amnigu ma sheegin sababta uu u dilay askarigan oo lagu magacaabo Cabdixakiin Fiqi, balse warar aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in gacan ku dhiigluhu uu ahaa darawal mooto Bajaaj, kaasoo askarigaan u dilay muran ka dhashay markii uu kasoo xiray mootadiisa oo loo haystay lacago canshuur ah.

Howlgal qaatay Saacado kooban oo uu hoggaaminayay taliyaha qaybta boliska gobolka Nugaal, ayaa lagusoo qabtay eedaysanaha oo hadda ku jira gacanta hay’adaha amniga.

Shalay ayay ahayd markii laamaha amnigu ay ka shireen adkaynta nabad galyada magaalada Garowe, iyadoo ciidamo kala duwan la geeyay goobaha shacabka ay isugu yimaadaan.