5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2024
Ciidamada Amaanka Somaliland oo si xoog ah Hargaysa ugu xidhay fannaan reer Jigjiga ah

Sabti, April, 6, 2024 (HOL) - Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa si xoog ah Hargaysa ugu qabtay fannaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane (Maxamed Yare), ilaa hadana lama oga sababta loo xidhay.

Askar hubaysan ayaa si xoog ah u kaxaystay Maxamed Yare xili uu la fadhiyay qaar kamid ah hoobalada Hargaysa, iyada oo ay askartu sidookale jidh dil u gaysteen qaar kamid ah fannaaniinta oo isku dayay in ay ogaadaan sababta hoobalka loo xidhayo.

"Anaga oo ah fannaaniintii reer Hargaysa, waxa noo yimid wiiil marti oo fannaan ah oo reer jigjiga ah, inankii martida ahaa oo nala jooga ayay qolo ciidan ahi noo yimaadeen, rasaas ayay nagu fureen, inankiina hoostayada ayay kala baxeen" Fannaanada Najma Nashaad ayaa sida tidhi.

Najma Nashaad waxay sheegtay in jildil loo gaystay isla markaana loo caga jugleeyay qaar kamid ah fannaaniinta oo goobta ku sugnaa, waxay sheegtay in nay garanayn sababta ciidanku fannaanka u qabteen, isla markaana aan xadhigiisa sharci loo soo marin.

Cabdi Ciise Cajuun oo kamid ahaa hobolada goobta ku sugnaa markii Maxamed Yare la qabanayay, ayaa sheegay in ay askartu laag iyo qoriga dabadiisa la dhaceen fannaaniinta kadib markii ay isku dayeen in ay waydiiyaan sababta fannaanka loo xidhayo.

"Manaan iska celin kari waayin oo anaguna 4 ayaanu ahayn iyaguna 4 ayay ahaayeen, waxaanu ixtiraamaynay ciidanka, dirayska iyo dowladnimada, hadii waxa wax laga qaban waayo garan maayo meel uu ku danbayn amniga Somaliland" ayuu yidhi Cajuun.

Maxamed Axmed Bakaal Cirro, oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in si ixtiraam daro ah, oo sharciga baalmarsan loo qabtay fannaanka martida ahaa, isla markaana anay garanayn waxa lagu xidhay ilaa hada.