5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2024
Meydka Samafale Turki ah oo ku geeriyooday qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho oo loo qaaday dalkiisa
 

Sabti, April, 6, 2024 (HOL) - Maydka samafale Turki ah oo naftiisa ku waayay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho ayaa loo diray dalkiisa Turkiga si loogu aaso.

Abdurrahim Yoruk, oo u shaqeynayay Hay’adda Samafalka ee Safa Vakfi ee Turkiga, ayaa Khamiistii lagu dilay Xaafadda Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii Bam lala beegsaday gaari uu la socday, xilli uu raashiin gargaar ah ka qeybinayay xero barakacayaal ah.

Madaxa Hay’adda Gurmadka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray Aktas isagoo ku hadlayay magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

“Muwaadiniinta Turkiga waxay ku hawlanaayeen dadaallo bini’aadantinimo, iyagoo afur siinayay qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaan ay hay’addu soo saartay.

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in  Turkigu uu sii wadi doono taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya si ay ula dagaalanto kooxda Alshabaab.

Turkiga ayaa Muqdisho ku leh safaaradda ugu weyn ee Afrika, waxa ayna sidoo kale halkaasi ka dhistay xaruntii ugu weyneyd ee ay ku tababari lahayd ciidamada  Soomaaliya.