4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 4 , 2023
Maraykanka oo walaac ka muujiyay xaalada bini'adamnimo ee ka dhalatay colaada Laascaanood
 

Khamiis, May, 4, 2023 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay Madaxweynaha Somaliland kala hadashay walaac ay ka qabto dhibaatada bini'adamnimo ee ka dhalatay dagaalka Laascaanood.

Qoraal lagu baahiyay boga Twitterka ee Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay Madaxa USAID ee Soomaaliya uu madaxweyne Biixi la wadaagay walaaca ay dowladiisu qabto.

"Agaasimada USAID ee Soomaaliya Lawrence ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la wadaagay walaac wayn oo ay ka qabaan saamaynta aadaminimo ee ay sababtay colaada Laascaanood, wuxuuna ku booriyay in xal nabadeed laga gaadho" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa intaa ku daray in madaxweyne Biixi uu ka garaabay soo jeedinta Agaasime Lawrence isla markaana uu u balan qaaday in uu xabad joojin samaynayo iyo in uu diyaarinayo khariidadii doorashada.

"Muuse Biixi Cabdi waxa uu kaga jawaabay balan qaad xabad joojin wuxuuna aqoonsaday muhiimada khariidada doorashooyinka" ayaa qoraalka lagu yidhi.

Colaada magaalada Laascaanood ayaan wali xal laga gaadhin, iyadoo maanta ay dhaceen iska hor imaadyo koo kooban, colaada ayaa gaalaafatay nolosha boqollaal qof waxayna barakicisay badiba dadkii reer Laascaanood.