3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2023
Ciidanka ATMIS oo sheegay inay ku jebiyeen Alshabaab dagaalkii ay kusoo qaadeen saldhiggooda Buulomareer

Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka midowga Afrika ee ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray weerarkii Alshabaab ay saakay waaberigii ku qaadeen saldhiggooda ku yaallay Buulo Mareer oo 120-km Koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho.

ATMIS waxay sheegeen Al-shabaab inay saldhiggooda kusoo weerareen weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo kuwo ismiidaamin ah.

Howlgalka ATMIS wuxuu sheegay in dagaalka oo ka dhacay qeybta duulista ee ATMIS ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan oo ku jebiyaan Shabaabka soo weeraray.

“ATMIS waxay jeclaan lahayd inay u xaqiijiso dadweynaha iyo dhammaan hay'adaha kale ee dalka in wax walba la samaynayo si xaaladda loo xakameeyo,” ayaa lagu yiri war -saxaafadeedka kasoo baxay ATMIS.

Waxay sheegeen inay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, ayna sii wadi doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.

Hadalka kasoo baxay ATMIS ayaa yimid, kaddib markii Alshabaab ay sheegeen inay la wareegeen saldhigga ciidanka ATMIS ee magaalada Buulo Mareer, iyagoo sheegay inay dileen in ka badan 137 askari oo katirsan ciidanka Uganda ee saldhigaas joogay.













Click here
5/26/2023 5:27 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in la wareegeen saldhigii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeem degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelada hoose.

5/26/2023 2:41 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageero maaliyadeed oo uu Midowga Yurub ku caawinayo dowladda Federaalka ah, taageeradaas oo ah kabis miisaaniyadeed.

5/26/2023 2:12 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Midowga Yurub (EU) ayaa ansixiyay lacag dhan 20.5 milyan oo Yuuro oo taageero miisaaniyadeed ah oo la siinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS).

5/26/2023 2:05 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay heshay lacag dhan 2.4 bilyan oo dollar si loogu maalgeliyo hawlgallada gargaarka ee ilaa 32 milyan oo qof oo ku kala nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

5/26/2023 2:00 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Tirinta codadka doorashada dowladaha hoose ee Puntland ayaa meel gabagabo ah maraysa, iyadoo ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka.