3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2023
Guddiga doorashada Puntland oo maanta lagu wado inuu shaaciyo natiijada doorashada dowladaha hoose

Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Tirinta codadka doorashada dowladaha hoose ee Puntland ayaa meel gabagabo ah maraysa, iyadoo ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka.

Natiijooyin horudhac ah oo lasii daayay ayaa muujinaya in ururada Kaah iyo Mideeye ay yihiin labada urur siyaasadeed ee codadka ugu badan ka helay doorashooyinka dhacay shalay.  

Gobolka Bari oo ah meelaha codadka ugu badani yaaleen waxaa natiijada hordhaci ay muujinayaan in ururka Mideeye uu yahay ururka helay codadka ugu badan.

Natiijooyinkan oo ahayn kuwo rasmi ah waxay tilmaamayaan in ururka Mideeye uu doorashada Boosaaso ka helay codadka illaa 14 xildhibaan, waana in ku dhow kala bar aqlibiyadda golaha degaanka ee degmada Boosaaso.

Sidoo kale tuulooyinka hoos yimaada degmada Boosaaso ayaa ururada Kaah iyo Mideeye hoggaaminayaan codadka ugu badan, sidoo kalena ururada Sincad iyo Mustaqbal ayaa kamid ah ururada codadka badan helay.

Gobolka Mudug, codadka la dhiibtay waxaa natiijada hordhaca ahi ay muujinayaan in ururka Kaah uu hoggaaminayo tirada codadka, waxaana xoguhu qaar ay sheegayaan in ururka Kaah uu helay 15 xildhibaan codadkiisa.

Si kasteba ha ahaatee, guddiga doorashada Puntland ayaa maanta la filayaa inay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee doorashada, kadib marka la dhameeyo tirinta codadka degaanada qaar oo aan weli la dhamayn.












Click here
5/26/2023 10:40 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka midowga Afrika ee ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray weerarkii Alshabaab ay saakay waaberigii ku qaadeen saldhiggooda ku yaallay Buulo Mareer oo 120-km Koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho.

5/26/2023 5:27 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in la wareegeen saldhigii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeem degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelada hoose.

5/26/2023 2:41 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageero maaliyadeed oo uu Midowga Yurub ku caawinayo dowladda Federaalka ah, taageeradaas oo ah kabis miisaaniyadeed.

5/26/2023 2:12 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Midowga Yurub (EU) ayaa ansixiyay lacag dhan 20.5 milyan oo Yuuro oo taageero miisaaniyadeed ah oo la siinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS).

5/26/2023 2:05 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay heshay lacag dhan 2.4 bilyan oo dollar si loogu maalgeliyo hawlgallada gargaarka ee ilaa 32 milyan oo qof oo ku kala nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.