3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Muqdisho : Faahfaahino kasoo baxaya ganacsade lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi
 

Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ay ugu geysteen degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ganacsatada degmadaas.

Dilka ganacsanadahaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha goobtiisa ganacsi oo ku taala Xaafada macmacaanka, waxaana dilka kadib goobta si deg deg ah uga baxsaday dableydii dilka geysatay.

Marxuumka ganacsadaha ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Xuseen Maxamuud, mana la oga ilaa hada sababta ka dambeysa dilkiisa.

Dilka marxuumka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, hayeeshee lama sheegin cid ay usoo qabqabteen dilka ganacsanadaha loo geystay.

Sidoo kale ma jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyadda dilka loo geystay marxuumkaan oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhawaan kala qalin jabiyay mid ka mid ah jaamacaddaha magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa uu kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkii dambe amaanka magaalada Muqdisho uu ahaa mid soo hagaagayay.












Click here
5/24/2023 4:01 PM EST
Arbaco, May, 24, 2023 (HOL) - Safiirka cusub ee Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka wada hadlay dagaalka Laascaanood iyo doorashooyinka.

5/24/2023 2:07 PM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ay kamid tahay Garowe, sababa la xiriira xaaladda amni iyo dhacdooyinkii lidiga ku ahaa doorashada ee ka dhacay Garowe.

5/24/2023 1:58 PM EST
Arbaco, May, 24, 2023 (HOL) - Colaad laba beelood ku dhexmartay gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa ugu danbayn maanta xal buuxa laga gaadhay.

5/24/2023 10:07 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, kaasoo ay ka hortageen ciidamada amaanka degmada Baledweyne.

5/24/2023 8:26 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Doorashada golaha degaanka ee degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan, ayaa lagu wadaa in dib loo dhigo, kaddib markii ciidamo maleyshiyaad ah oo ka amar qaata siyaasiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen.

5/24/2023 8:04 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho ku furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

5/24/2023 5:14 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa wareysi uu siiyay BBC Soomaaliya uga hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda federalka iyo Puntland.

5/24/2023 2:21 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Iyadoo 24 saac wax ka yar ay ka harsan tahay doorashada golayaasha deegaanka Puntland, ayaa koox dabley ah waxay weerar ku qaadeen sanaadiiq doorashada oo loo waday degmada Burtinle iyo degaano hoos yimaada.

5/24/2023 2:00 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah Horjoogayaasha kooxda Al-shabaab lagu dhaawacay hawlgal wadajir ah oo degmada Jilib ay ka fuliyeen ciidanka dowladda Soomaalya iyo saaxiibada caalamiga ah.