4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2023
Guddoomiye Saleebaan: Somaliland meel aan qiiqaynin ma jirto

Talaado, May, 23, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in xasarado ka taaganyihiin badanka gobolada Somaliland.

Guddoomiyaha oo daadihinayay dood ay la haayeen golaha guurtidu ayaa sheegay in qalalaase ka jiro gobolada qaar kood.

"Meel anan qiiqaynin ma jirto, hada lagu maqanyahay qaar baa guurtidii jirtaa, kuwo ayaynu go'aamo ka gaadhno dhibaatadii anay wali xalismin, meelwalba fowdo ayaa la is haystaa" ayuu yidhi Saleebaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in gobolada badankooda sida Saaxil, Sanaag, Togdheer iyo Awdal ay xasarado ka jiraan, inkasta oo aanu sheegin xasaradahaasi waxay yihiin, hadana maalmihii ugu danbeeyay waxa jiray xasarado dhul iyo daaq ka dhashay oo u dhexeeya beelaha qaarkood.

Xasaradaha u dhexeeya beelaha Somaliland ayaa soo noqnoda sannadkasta, waxaana dhawaan heshiis la dhexdhigay beelo uu dagaal ku dhexmaray gobolka Togdheer.