4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2023
Maxkamadda ciidamada oo xukuntay askartii ka dambeysay shaqaaqadii isgoyska Siinaay

Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Cabdulqaadir Xasan Cabdulle (Sheelare) oo ahaa askari dowladda katirsan, kaasoo lix qof oo shacab ah ku dilay qori Dhashiike ah intii lagu gudo jiray shaqaaqo ka dhacday isgoyska Siinaay ee degmada Yaaqshiid, ayaa maanta lagu xukumay dil toogasho.

Askarigaan ayaa sidoo kale dhaawacay afar qof oo kale, kuwaas oo haatan ku jira xaalado adag. Sheelare wuxuu qeyb ka yahay askar maanta xukunno dil ah lagu riday, kuwaas oo ay ku caddaatay in ay masuul ka ahaayeen dadkii ku dhintay shaqaaqadaas.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale Axmed Cismaan Mire Fiidow (Dhegaweyne), Maxamuud Cabdi Maxamuud Nuur (Abooto Koris) iyo Cabdullaahi Isxaaq Ibraahim (Boorow) oo katirsanaa ciidanka Dowladda waxay ku ridday xukun dil ah.

Askartan ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen shaqaaqadii dhawaan ka dhacday isgoyska Siinaay, iyagoo dilay labo askari oo katirsanaa ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Saleebaan Maxamuud Fargax oo laftiisu ku dhaawacmay shaqaaqadaas.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukunno xabsiyo ah ku ridday askar kale oo kiiskaan ku eedeysan, kuwaas oo lagu kala xukumay shan illaa saddex sano oo xabsi ah.