4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2023
Dowladda Soomaaliya oo gargaar u dirtay magaalada Laascaanood

Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliya ee SODMA ayaa Maanta diyaarad sida shixnad gargaar oo daawo ah u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay ka socdaan tan iyo bishii labaad dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka Laascaanood.

Diyaaradaan ayaa gargaarka daawada ah ka dajin doonta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana halkaasi kasii qaadaya gaadiid geyn doona Isbitaalka magaalada Laascaanood.

Gargaarkaan daawada ah ee Maanta Muqdisho ka dirtay hay'adda maareeynta Masiibooyinka Qaranka ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee daawada, taasoo loogu talo galay in lagu dabiibo dadka rayidka ah ee waxyeelada kasoo gaartay dagaalada iyo duqeymaha ka socda Laascaanood.

Masuliyiin ay ka tirsan Hay'adda Mareeynta musiiboyinka Qaranka Soomaaliya ayaa diyaaradaan Maanta ka sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Gargaarkaan daawada ah ee loo diray Isbitaalka Laascaanood ayaa kusoo beemaya, iyadoo Muqdisho horay loo geeyay dad shacab ah oo kusoo dhaawacmay dagaalada iyo duqeymaha ciidamada Somaliland ka wadaan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.