3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2023
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in anay Somaliland la hadli doonin Cabdikariin Xuseen Guuleed

Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland anay la hadli doonin ergayga wadahadal Somaliland iyo Soomaaliya ee dhawaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh magacaabay.

Faysal Cali Waraabe oo ka cadhooday hadal uu dhawaan Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed kaga hadlay arrimaha Laascaanoood kuna baaqay in ciidamada la kala qaado, ayaa madaxweyne Xasan ugu baaqay in uu badalo Guuleed.

"Agtiisa mari mayno, ha soo badalo haduu doonayo Xasan Sheekh lakiin kan asaasaqa ah agtiisa mari mayno, maantana muuqaal ayaan u daaray oo aan ku idhi waar beenaale ayaad tahe naga fadhiiso, maalintii aynu nimanka la fadhiisanay ayaynu jabnay" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Hadaba, Waraabe ayaa todobaado uun ka hor soo dhaweeyay magacaabista Guuleed, isaga oo usoo jeediyay in uu ka shaqeeyo dib usoo celinta heshiisyadii aan hirgalin ee Somaliland iyo Soomaaliya horay ugu heshiiyeen.

Guddoomiyaha oo hore uga mid ahaa wadahadaladii mudada dheer socday ayaa hada aaminsan in anay Somaliland ku deg degin wadahadal kale.












Click here
5/21/2023 5:16 PM EST
Axad May 21, 2023 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Arabia danjire Saalim Macow Xaaji ayaa iscasilay sababo la xariira dhaqan xume ay kula kaceen wafdigii madaxweynaha ee shirka Jaamacadda kaga qayb-galay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

5/21/2023 11:07 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliya ee SoDMA ayaa Maanta diyaarad sida shixnad gargaar oo daawo ah u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay ka socdaan tan iyo bishii labaad ee sanadkaan dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka Laascaanood.

5/21/2023 10:02 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iney Maanta u ruqaansadeen dhinaca degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

5/21/2023 6:47 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sida aan xogta ku helayno waxay casuumaad u fidisay Isimada SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood, si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho.

5/21/2023 4:49 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa tababar usoo xirtay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, kuwaas oo uu tababar uga socday dalka Uganda.

5/21/2023 3:05 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dib loo dhigay qaadista Imtxaanka shahaadiga ah ee ardayda magaalada Baledweyne, sababo la xariira fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Baledweyne oo ay ku barakaceen kumanaan qoys.

5/21/2023 1:58 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu geeriyooday horgooje sare oo katirsanaa kooxda Alshabaab oo lagu magacaabo Mahad Cagadub.