3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2023
Dowladda Fedaraalka oo dib u dhigtay qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee Ardayda Baledweyne

Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dib loo dhigay qaadista Imtxaanka shahaadiga ah ee ardayda magaalada Baledweyne, sababo la xariira fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Baledweyne oo ay ku barakaceen kumanaan qoys.

Raysal wasaare Xamse ayaa hadalkaan ka sheegay munaaaabad lagu shaacinaayay natiijada Macalmiintii u tartantay shaqadii Macalinimo oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Xamse ayaa sidoo kale xusay in xaalad Bani'aadanimo ay ka jirto magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, islamarkaana aysan suurtagal aheyn in la halkaasi lagu qabto Imtixaanka shahaadiga ah oo sanad walba xiligaan oo kale ay qaado.

“Ardayda Baledweyne waxaa loo diyaarin doonaa imitixaan gaar ah oo ay geli doonaan marka ugu horeysa ee suuragal noqoto, Wasaaradaha Waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaana  arrintaas ka wada shaqeyn doona” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Qorshaha dowladda ayaa ah in 27-ka bishan May iney Imtixaanka Fasalka 12-aad ka bilaawdo guud ahaan dalka marka laga reebo Somaliland iyo Puntland  sida ay horay usoo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.












Click here
5/21/2023 5:16 PM EST
Axad May 21, 2023 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Arabia danjire Saalim Macow Xaaji ayaa iscasilay sababo la xariira dhaqan xume ay kula kaceen wafdigii madaxweynaha ee shirka Jaamacadda kaga qayb-galay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

5/21/2023 11:07 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliya ee SoDMA ayaa Maanta diyaarad sida shixnad gargaar oo daawo ah u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay ka socdaan tan iyo bishii labaad ee sanadkaan dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka Laascaanood.

5/21/2023 10:02 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iney Maanta u ruqaansadeen dhinaca degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

5/21/2023 9:54 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland anay la hadli doonin ergayga wadahadal Somaliland iyo Soomaaliya ee dhawaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh magacaabay.

5/21/2023 6:47 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sida aan xogta ku helayno waxay casuumaad u fidisay Isimada SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood, si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho.

5/21/2023 4:49 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa tababar usoo xirtay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, kuwaas oo uu tababar uga socday dalka Uganda.

5/21/2023 1:58 AM EST
Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu geeriyooday horgooje sare oo katirsanaa kooxda Alshabaab oo lagu magacaabo Mahad Cagadub.