4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2023
Agab iyo saanad ciidan oo loo waday Al-shabaab oo markale lagu qabtay Dekadda Muqdishu
 

Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta markale dekada magaalada Muqdisho ku qabtay agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday kooxda Al-shabaab.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa warbaahinta u sheegeen in 24 saac gudahood ciidanka NISA  ay gacanta ku dhigeen Kunteenarkii labaad oo ay ka buxaan agab iyo saanad ciidan oo ku socday kooxda Al-shabaab.

“Maanta waxaa u suuragashay ciidanka Sirdoonka Qaranka iney qabtaan konteenarkii labaad oo waxyaabaha ku jira ka mid yihiin diyaarado doroniska ah, qalab gawaarida ku shaqeeyo, koofiyadaha  aan xabad karin, rimuudka qaraxa iyo waxyaabo kale" ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xagaa.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir Xagaa in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab oo uu xusay in haatan intiisa badan in lagu guuleystay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay sidaan oo kale ku qabteen Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday dagaalamayaasha Al-Shabaab.