3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2023
Raysal wasaare Xamse oo dhalinyarada ka codsaday iney kala shaqeeyaan Xukuumadiisa ciribtirka afar waxyaabood

Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqan gelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

Shirkan oo ah kii 9-aad oo ay isugu yimaadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo dibedda, kaasoo diiradda lag saarayo mudada uu socdo  soo bandhigista Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

"Horumarka dalka waxaa hortaagan afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda" ayaa yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre

Xamse Cabdi Barre ayaa ku amaanay dhallinyarada Soomaaliyeed doorka ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo uu tilmaamay in kaalin mugleh ay ka qaadanayaan amniga dalka, dowlad dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab.
 
Gabagabadii Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay dhallinyarada Soomaaliyeed u abuurayso fursado shaqo, waxuuna ku amaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad dhiska.












Click here
5/20/2023 11:22 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta markale dekada magaalada Muqdisho ku qabtay agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday kooxda Al-shabaab.

5/20/2023 11:11 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group, ayaa dhinacyada Laascaanood ku dagaalamaya ugu baaqday in ay wadahadlaan.

5/20/2023 9:39 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay duuleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

5/20/2023 5:45 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Daahir Maxamed Cali ( Daahir Baasto ) oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Ururka ONLF ayaa is casilay, kaddib markii uu Daahir baasto ku eedeeyay hoggaanka ONLF inuu ururka ka leexiyay wadadii loo aasaasay oo ahayd inay ka tarjumaan baahiyaha Shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

5/20/2023 3:41 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay koox yar kasoo horjeedaan doorashooyinka dimuqraadiyadda, isagoo kooxdaas ku tilmaamay kuwo riyoonaya.

5/20/2023 3:09 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin ama aysan diidin wadahadallo looga hadlayo muranka doorashada Puntland.

5/20/2023 2:50 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan kula qaatay halkaasi dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

5/20/2023 1:03 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.