3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2023
Guddoomiye ku xigeenkii ONLF oo is casilay

Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Daahir Maxamed Cali ( Daahir Baasto ) oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Ururka ONLF ayaa is casilay, kaddib markii uu Daahir baasto ku eedeeyay hoggaanka ONLF inuu ururka ka leexiyay wadadii loo aasaasay oo ahayd inay ka tarjumaan baahiyaha Shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

Daahir baasto ayaa Guddoomiyaha ONLF Abdirahman Maadey ku eedeeyay inuu ururku kala qaybsamay intuu xilka qabtay, isla markaana uu ku guul darreystay inuu dib u mideeyo ururka ONLF, sidoo kale waxa uu Daahir baasto ku eedeeyay Maadey inuu ururka dhexdiisa ka dhex wado qabyaalad, iyo kala gayn xubnaha ururka dhexdiisa waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiye ku xigeenka is casilay Daahir Baasto.

Qaar kamid ah dadka ka agdhow ONLF oo Warbaahinta Hiiraan Online lasoo xiriiray isla markaana codsaday inaan magacdooda la xusin ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeyay Daahir Baasto iyo Guddoomiye Maadey uu muddo soo jiitamayay, isla markaana uu salka ku hayay khilaaf guud oo ka dhex jiray gudaha Ururka ONLF, taas oo markii dambe keentay inuu Daahir Baasto oo ahaa ku xigeenka Guddoomiyaha ONLF inuu isaga baxo ururkii.

ONLF wali kamaysan hadlin is casilaadda Guddoomiye ku xigeenkii ururka Daahir Baasto, balse marar kala duwan oo sidan oo kale xubno uga baxeen ONLF, waxa uu Guddoomiye Maadey sheegay in aan loo joojinayn halganka ONLF cid kasta oo ka baxda Ururka ONLF, isla markaana aysan saameyn ku yeelanayn gudaha ONLF.

Balse dadka falanqeeya siyaasadda ururka ONLF ayaa qaba in khilaafka ka dhex jira gudaha ONLF uu saameyn karo sii jiritaanka ururka ONLF, iyadoo haatan uu ururku u kala qaybsan yahay labo garab oo ay kala hoggaamiyaan labo Guddoomiye, xafiisyo kala duwana ku kala leh dhammaan dowlad degaanka Soomaalida.

Khilaafka ka dhex jira gudaha ONLF ayaa noqday mid muddooyin badan soo socday, iyadoo Guddoomiyaha ONLF Abdirahman Maadey oo qaar ka mid ah xubnaha ururkiisa ay ku eedaynayaan inuu qayb ka yahay kala qaybsanaanta ka dhex jirta ONLF, walina uusan u dhaqaaqin siduu u xallin lahaa khilaafka ka dhex jirta gudaha ONLF.












Click here
5/20/2023 11:22 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta markale dekada magaalada Muqdisho ku qabtay agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday kooxda Al-shabaab.

5/20/2023 11:11 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group, ayaa dhinacyada Laascaanood ku dagaalamaya ugu baaqday in ay wadahadlaan.

5/20/2023 10:07 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqan gelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

5/20/2023 9:39 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay duuleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

5/20/2023 3:41 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay koox yar kasoo horjeedaan doorashooyinka dimuqraadiyadda, isagoo kooxdaas ku tilmaamay kuwo riyoonaya.

5/20/2023 3:09 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin ama aysan diidin wadahadallo looga hadlayo muranka doorashada Puntland.

5/20/2023 2:50 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan kula qaatay halkaasi dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

5/20/2023 1:03 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.