4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 18, 2023
Caaqil Fallaalug: Waxaanu beesha caalamka ka codsanayna in Muuse la geeyo maxkamadaha cadaalada"
 

Khamiis, May, 18, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka SSC Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Fallaalug, ayaa madaxweyne Biixi ku sifeeyay shakhsi duulaan ku ah Soomaali oo dhan.

Fallaalug oo ka jaawabay hadalkii uu maanta madaxweyne Biixi ka jeediyay munaasibada 18 May, ayaa sheegay in Biixi uu yahay ciil qabe duulaan ku ah Soomaalida oo dhan.

"Waxaanu leenahay awalna aanu ogayn in uu yahay nin ciil qaba, maantana wixuu caddaystay ciil qab kiisii, waxa uu caddaystay ciilka uu u qabo Harti, ciilka uu u qabo Darood iyo ku uu u qabo Soomaali oo dhan" ayuu yidhi Fallaalug.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi uu aargoosi u socdo, lakiin waxa uu sheegay in uu la yaabanyahay umada kale ee Soomaaliyeed oo aan hadalka Biixi wax jawaab ah ka bixinayn.

Waxa uu sheegay in ay is difaacayaan, oo ay ciidamada Somaliland la dagaalamayaan, isaga oo sheegay in madaxweyne Biixi uu caddeeyay in aanu gobolka ka tagayn ilaa askariga ugu danbeeyaa kaga dhinto.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayuu usoo jeediyay in ay ka hadasho hadalkii madaxweyne Biixi, isaga oo beesha caalamkana ugu baaqay in ay maxkamad soo taagto, "Waxaanu beesha caalamka ka codsanayna in ninka la geeyo maxkamadaha cadaalada".