4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 18, 2023
Jenaraal Cismaan Maxamed Jeelle oo ku geeriyooday dalka Australia
 

Khamiis, May, 18, 2023 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Melbourne ee dalka Australia ku geeriyooday Allaha u naxariiste Jenaraal Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Golahii sare ee dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya.

Allah u naxariiste marxuumka oo ka mid ahaa Golihii kacaaanka ayaa xilal badan  oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Duqa Muqdisho kasoo qabtay dowladdii dhexe ee dalka oo uu madaxweynaha ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre.


Geerida marxuum Cismaan Jeelle ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay siyaasiyiin badan oo caan ka ah Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee marxuum Cismaan Jeelle ayaa dadka aqoonta u lahaa waxay sheegeen inuu ahaa shaqsi wanaagsan oo ay ku weyneyd Soomaalinimada iyo dowladd Jaceylka.

Burburkii dowladdii dhexe kadib marxumka waxa uu ku noolaa waqtigiisa ugu badan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, hayeshee sanadahii dambe ayuu u soo wareegay dalka Australia oo uu Xalay ku geeriyooday.