4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 18, 2023
Cumar Cabdirashiid: Doorashada golaha deegaanka ee Puntland waa inay ku dhacdaa rabshad la’aan

Khamiis, May, 18, 2023 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku baaqay in rabshad la’aan lagu qabto doorashooyinka degaanka Puntland.

Cumar Cabdirashiid ayaa soo jeediyay in cabashada ay qabaan tartamayaasha doorashada loo gudbiyo guddiga doorashada Puntland si ay u eegaan khariidadda tubta doorashooyinka 8da Janaayo.

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in ay arrintani u baahan tahay is-afgarad ballaadhan ka hor inta aan hore loo socon oo doorashada dowladaha hoose la qabanin.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo sidoo kale ka hadlayay waaran shalay loo jaray afar siyaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday ciidanka amniga doorashada, ayaa ku baaqay in la joojiyo is eedeynta, lana xalliyo khilaafaadka taagan iyo in la qabto doorasho nabad ah.

Hadalkaan ayuu Cumar Cabdirashiid ku sheegay qoraal uu kusoo daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitterka, wuxuuna dhawaan kamid ahaa siyaasiyiin ka qeyb galay shir looga tashanayay arrimaha doorashada.