4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2023
Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay wakiilo ka socday hay’adaha ka howlgala Soomaaliya

Jimco, May, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ayaa kulan xasaasi ah la qaatay wakiillo ka socday Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya, si wax looga qabto fatahaada Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay magaalada Baladweyne iyo deegaanada hoos yimaada.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa ujeedkiisu ahaa sidii la isaga kaashan lahaa gurmadka loo fidinayo qoysaska barakacayaasha ah iyo kuwa dhibaateysan.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen wufuud ka kala socotay hay’adaha UN-OCHA, WFP, FOA, UNSOS, iyo UNSOM, ayaa madaxweynuhu wuxuu ergada uga warbixiyay xaaladda magaalada Beledweyne oo uu webiga Shabeelle qarka u jabsaday, taasoo keentay fatahaad ballaaran.

Fatahaada ayaa sababtay in qoysas badan ay barakiciyeen, halka Kuwo kalena ay weli ku go’doonsan meelaha daadadku ku fatahay waxayna aad ugu baahan yihiin daadgureyn degdeg ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa khudbadiisa uga codsaday Hay’adaha Qaramada Midoobay in ay ka qeyb qaataan gurmadka, isla markaana ay la soo gaaraan gurmad muhiim ah.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in shacabka Baladweyne ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah oo isugu jira cunto, biyo nadiif ah, iyo hoy.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka duulaya xaaladda degdegga ah ee jirta ayaa ugu baaqay hay’adaha Qaramada Midoobay in ay gargaar isku dubaridan, waqti ku habboon, oo wax ku ool ahna u fidiyaan shacabka reer Baladweyne.

Waxa uu sheegay in xaaladdu ay u baahan tahay gurmad bini’aadantinimo oo adag, taas oo wax ka tari doonta dhibaatada qoysaska dhibaatadu soo gaartay.

Kulanka ayaa ahaa loogu gogol xaarayay gurmad isku xiran, kaasoo gacan ka geysan doona sidii gargaar nafo lagu badbaadin ah loo gaarsiin lahaa bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ballanqaaday inay taageerayaan, iyadoo hay’ad walba ay soo bandhigtay qorshaheeda ku aaddan gurmadka.