4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2023
Hargaysa: Ugu yaraan 2 qof ayaa la rumaysan yahay in ay dhinteen kadib markii baabuur ay wateen uu daad qaaday

Isniin, May, 1, 2023 (HOL) - Ugu  yaraan 2 qof ayaa la ramaysanyahay in ay dhinteen kadib markii uu dooxa Huluuq oo dhaca galbeedka Hargaysa qaaday baabuur ay wateen.

Sida goobjoogayaal warbaahinta u sheegeen baabuurka daadku qaaday oo ahaa Lankurusar, ayaa isku qaaday dooxa oo biyo badani marayaan, halkaasi oo la rumaysan yahay in ay ku naf waayeen ugu yaraan 2 qof oo baabuurka saarnaa.

"Walahi geeri foolxun ayaa ka dhacday gaadhi laankurusar ah oo madow oo na daba joogay ayaa dhaqaaqay waar ha dhaqaaqin ayaanu nidhi, isaguna wuu dhaga adaygay kadib markuu dooxa badhtankiisa marayo ayuu dooxu qalibay" goobjooge ayaa sida yidhi.

Waxa uu sheegay in ay isku dayeen in ay badbaadiyaan lakiin biyaha dooxa oo awood badnaa darteed ay u suuragali wayday, isla markaana ilaa iyo hada aan raq iyo ruux la hayn dadkii baabuurka saarnaa.

Dooxyada mara magaalada Hargaysa iyo hareeraheeda ayaa sannadkasta xili roobaadka galaafta nafo badan, waxaana ugu danbaysay haweenay lagu magacaabi jiray Najax oo geeriyootay kadib markii uu dooxa Hargaysa la tagay baabuur ay la socotay 31 March.