4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 31, 2023
Danjiraha Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Serbia

Jimco, Maarso, 31, 2023 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya ee Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan la qaatay  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Serbia Mudane Dr. Siniša Mali.

Kulankan gaarka ah oo ay labada Mas’uul  yeesheen oo aad muhim u ahaa ayay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

Inta kulanku socday ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha deyn cafin (debt relief), qaabka casriga ah ee canshuur uruurinta(systematic tax collection), Wadashaqeynta Bankiyada labada dal, Isku xirka rugaha ganacsi ee labadda dal., xoojinta Wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaaraddaha maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Serbia.
 


Arbacadii ayay aheyd markii uu Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade uu soo booqday Wasiirka Horumarinta Serbia Mudane Dr. Edin Đjerlek, halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, kaas oo gogol xaar u ahaa kulanka maanta dhexmaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Serbia Mudane Dr. Siniš Mali.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir aad u dheer oo Diploomaasiyadeed una muuqda mid sii xoogeysanaya waayadan dambe.