4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 31, 2023
Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood

Jimco, Maarso, 31, 2023 (HOL) - Dagaal mudo saacado ah socday ayaa maanta oo Jimce ah ka dhacay qaybo kamid ah jihooyinka magaalada Laascaanood.

Waxa la sheegayaa in uu dagaalku saaka ka qarxay goobo ku dhow fadhiisimada millateriga Somaliland, ay ku leeyihiin duleedka magaalada, isla markaana dagaalka ayaa qaatay saacado, waxaana laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinca kale, waxa jira madaafiic kusoo dhacday qaybo kamid ah magaalada Laascaanood, oo waxyeelo u gaystay gaadiid iyo dhismayaal sida ay baahisay Dowlada Hoose ee magaalada Laascaanood.

Ilaa iyo hada labada dhinac midna kama hadal dagaalka maanta, lamana oga cida weerarka ku horaysay, millateriga Somaliland ayaa dhawaan sheegay in uu qaadi doono talaabo millateri oo ka dhan ah xoogaga kula dagaalamaya magaalada Laascaanood.

Dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay dagaal ma dhicin isla markaana waxa jirtay waan waan ay dhinacyada ka dhexwadeen odayaal dhaqameed reer Muqdisho ah, iyada oo garaadadu ay dhankooda ku dhawaaqeen xabad joojin.

Dowlada Maraykanka oo xalay qoraal kasoo saartay dagaalka sii soconaya ee Laascaanood ayaa dhinacyada ugu baaqday in ay xabada joojiyaan oo ay miiska wadahadalka iskugu yimaadaan.

Ilaa hada lama oga halka ay sal dhigan doonto colaada Laascaanood, oo ay isku hayaan dadka deegaanka iyo Xukuumada Somaliland.