4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 31, 2023
11 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay shil Gaari oo ka dhacay gobolka Bari

Jimco, Maarso, 31, 2023 (HOL) - 11 Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay ugu yaraan 20 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo labo habeen ka hor ka dhacay meel u dhow magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Tahriibayaashan oo ay wateen Mukhalasiin ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen magaalada Boosaaso, iyagoo doonayay inay uga sii gudbaan Gacanka Cadmeed ee dalka Yemen.

Gaari xamuul ah oo ay la socdeen ayaa rogmaday, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Bulshada deegaanka ayaa isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso keenay kow iyo toban qof oo meyd ah iyo dhaawac halis ah oo soo gaaray dadka soo galootiga ah.

Hay'adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa ka deyrisay xaaladda muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee ku qulqula Yemen.

Sahan 2021 lagu sameeyay qoysaska Itoobiya ayaa lagu ogaaday in ka badan 50,000 oo qof in la la’yahay ka dib markii ay ka soo tageen waddankoodii ilaa 2015 oo keliya. Caqabadaha ammaanka ayaa ka dhigan in dad badani ay dhinteen, iyagoo aan xog laga haynin.

IOM waxy sheegtay inay soo food saartay dhaqaale yaraan weyn oo lagu caawinayo muhaajiriinta ku sugan Soomaaliya. Ilaa ay deeq-bixiyayaashu si degdeg ah u kordhiyaan maalgelintooda.

Hay’addu waxay sheegtay in ay joojinayso taageerada labada Xarumood ee ka jawaabista Soogalootiga marka la gaadho Juun 2023.