4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2023
Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

Khamiis, Maarso, 30, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inuu isku soo dhiibay Cabdi Xasan Hulbaale oo ahaa madaxii kooxda Al-shabaab ee Tuulada Maaya Faarax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarkaalkaan oo 9-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsana kooxda Al-shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 14 Oktoober ee ku sugan degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sababta ka dambeysa iney isa soo dhiibaan saraakiisha iyo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ayaa ah in madaxda dowladda Federaalka ay marar badan ku baaqeen iney isa soo dhiibaan xubnaha Al-shabaab iyo in xubnaha kooxda ay u adkeysan wayeen dhibaatooyinka ay wajahayaan, maadaama ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay kula jiraan dagaalo dalka looga xureynayo kooxda.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa si aad ah usoo kordhaayay Saraakiisha iyo xubnaha ka mid ka ah Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayaa lagu in gobolada dalka ay ka bilaawdaan wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo qorshahiisu yahay in guud ahaan dalka looga saaro Al-shabaab mudo kooban.