4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2023
Xisbiga Jamhuuriga oo Joe Biden ku cadaadinaya in ciidamada Maraykanka lagasoo saaro Soomaaliya
 

Khamiis, Maarso, 30, 2023 (HOL) - Xildhibaan Matt Gaetz oo katirsan xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya in ciidamada Mareykanka lagasoo saaro Soomaaliya.

Xildhibaanka lagasoo doorto Fort Walton Beach, ayaa soo saaray qaraar cusub oo lagu doonayo in lagu qasbo madaxweyne Joe Biden in uu ciidamada Maraykanka ka saaro Soomaaliya.

Gaetz ayaa sheegay inuu gudbiyay qoraal ku qasbaya golaha wakiillada in ay u codeeyaan 18ka maalmood ee soo socda in ciidamada Maraykanka ee jooga meelo ay kamid tahay Soomaaliya laga soo saaro.

“Waa inay sharxaan sababta Soomaaliya ay ugu wanaagsan tahay danaha dadka Mareykanka ee gudaha," Matt Gaetz oo katirsan xibsiga Jamhuuriga ayaa ku soo qoray bartiisa Twitterka.

Gaetz waxa uu bayaankiisa ku xusay in iyada oo tallaabadii uu ku doonayay in ciidammada Maraykanka laga saaro Suuriya horraantii bishan uu ku guul-darraystay, haddana uu weli taageero ka helay 103 xildhibaan oo ka tirsan labada xisbi oo ay ku jiraan 56 Dimuqraadi ah.

Madaxweyne Joe Biden ayaa horey 500 oo askari u soo diray Soomaaliya bishii May ee la soo dhaafay si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.