4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2023
Raysal wasaare Xamse oo Maanta Muqdisho ka dhagax dhigay Warshad si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish ama Loor

Isniin, Maarso, 27, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay Warshadd sameyneysa Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyaan gudaha dalka burburkii dowladii dhexe kadib.

Raysal wasaare Xamse oo dhiirri gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo wax soo saarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed hirgelinta Warshaddan oo uu tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha iyo sida ay wax uga badali karto in dalka uu ka baxo cunto yarida iyo gaajada.

"Dowladnimada dalka way soo laabatay waxaan soo dhaweynaya dadaalada ganacsatada Soomaaliyeed ay ku maalgashanayaan dalkooda, waa talaabo farxad leh, waxaan hirgelin doona goob u gaar ah Warshadaha oo ka baxsan meelaha ay dagan yihiin dadka shacabka ah" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale sheegay Raysal Wasaare Xamse in cunto yarida ay tahay dhibaato weyn oo caalamka oo idil haysata, islamarkaana Xukuumaddiisa ay soo dhaweyneyso maalgashiga ganacsadata Soomaaliyeed iyo waliba kuwa Caalamiga ah ee xagga warshadaha iyo wax soo saarka beeraha.

Warshaddaan Burka ee Maanta uu dhagax dhigay raysal wasaaraha oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda lacag dhan 37 Milyan oo dollar, waxaana la sheegay in ay si maalinle ah u soo saari doonto 16,000 oo kiish ama Loor.