4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2023
Dowladda oo soo bandhigtay xubin ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay

Isniin, Maarso, 27, 2023 (HOL) - Taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalada deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta soo bandhigay Abshir Axmed Macalin oo ka mid ahaa mudo aad u dheer dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Abshir Axmed ayaa la sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsana waxa loogu yeero Jabhadaha, waxaana la tilmaamay inuu kasoo qeyb qaatay dagaalo badan oo ka dhacay deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dagaalo ka dhacay qeybo kamid ah fariisimaha ciidanka ATMIS iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin gobolka Baay.

Ninkaan lasoo bandhigay ee ka mid ka ahaa Al-shabaab ayaa sheegay inuu u adkeysan waayey dhibaatada duurka ku heysata Al-Shabaab iyo waliba dhibaatada joogtada ah ee ku hayaan shacabka aan waxaba galabsan.

Abshir Axmed Macalin ayaa ugu baaqay  ragga saaxiibadiisa ah ee wali kala tirsan Al-shabaab inay isaga soo tagaan dhibaatada ay ku jiraan oo ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa si aad ah usoo kordhaayay xubnaha ka mid ka ah Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda Soomaaliya.