4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2023
Xildhibaan ka tirsana Baarlamaanka Jubbaland oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo

Isniin, Maarso, 27, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku geeriyooday Allah u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Allah naxariistii Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaayay magaalada Kismaayo, islamarkaana uu saakay u geeriyooday xanuunkii haayay.

Lama faahfaahin nooca uu ahaa xanuunka haayay Xildhibaanka ee sababay inuu ugu dambeyn Maanta oo Isniin ah uu u geeriyoodo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdulaahi.

"Waxaan tacsi u diraya guud ahaan shacabka reer Jubaland, Xildhibaanada golaha wakiilada, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaanka ay ku timid geerida naxdinta leh, Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo, maruuxmka waxaan alle uga baryaya inuu naxariistii jano ha waraabiyo" ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.