4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 27, 2023
Puntland: 387 kun qof oo isu diiwaan galiyay doorashada qof iyo cod ee dowladaha hoose

Isniin, Maarso, 27, 2023 (HOL) - Puntland ayaa sii daysay liiska rasmiga ee codbixiyaasha doorashooyinka dowladaha hoose sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

387.094 qof ayaa lagu sheegay tirada saxda ah ee iska diiwaan galisay 37 degmo oo hoos yimaada 7 gobol oo katirsan maamulka Puntland.

Gobolka Mudug ayaa ah gobolka ugu badan ee dadku iska diiwaan galiyeen, waxaan isdiiwaan galiyay codbixiyaal dhan boqol kun oo qof.

Doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa la qorsheeyay dhamaadka bisha may ee sanadkan.

Walow siyaasiyiin badan iyo qaar kamid ah ururada siyaaadu ay kasoo horjeedaan, iyadoo u arka qorshaha muddo kororsi ee madaxweyne Deni.