4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2023
Afhayeenka Guddida 33-ka oo ka hadlay dagaalkii maanta iyo qorsha dagaal ee Somaliland
 

Axad, Maarso, 26, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka ee Garaadada ku sugan Laascaanood, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dagaalka ay Somaliland ku baaqday, isaga oo sheegay in Somaliland ay maanta soo weerartay magaalada.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay saaka barqadii kusoo qaadeen weerar balaadhan.

"Saaka markii ay 9:30 ahayd maamulka Somaliland maleeshiyadiisu waxay weerar jihooyin badana kusoo qaaday magaalada Laascaanood, taasoo ujeedadeeda kowaad ay ahayd in ay qabsadaan dhamaan magaalada Laascaanood ama qayb kamid ah, waxa muujinaya sida ay weerarka usoo galeen" ayuu yidhi Falaalug.

Waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland lagu jabiy dhamaan dhinacyadii ay magaalada kasoo weerareen sida uu hadalka u dhigay, waxaanu sheegay in ay weerarka kasoo qaadeen jihooyinka waqooyi, bari iyo galbeed.

Isaga oo ka jawaabaya go'aanka millateriga Somaliland qaatay ee ah in uu awood ku wajaho xoogaga kasoo horjeeda, ayuu sheegay in aanu u malaynayn in Somaliland soo qaadi doonto weerar ka wayn dagaalkii maanta.

Waxa uu sheegay in ay qaateen go'aan dagaal isla markaana anay waxba la hadhi doonin, wuxuuna ku hanjabay in ay afhayeenka millateriga Somaliland soo qahan doonaan isaga oo maxbuus ah.

Ugu danbayn, beesha caalamka ayuu ugu baaqay in ay Somaliland xakamayso oo ka qabato magaalada Laascaanood sida uu hadalka u dhigay.