4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2023
Ciidamada Deegaanka Laascaanood oo ka jawaabay dagaalka ay Somaliland ku dhawaaqday

Axad, Maarso, 26, 2023 (HOL) - Jeneral Siciid Shoodhe oo ah Taliyaha Ciidamada Deegaanka Laascaanood ee dagaalka kula jira Somaliland, ayaa sheegay in ay iyagu ku guulaysan doonaan dagaalka Somaliland ku dhawaaqday.

Taliye Shoodhe oo waraysi siiyay Gaylan Media, ayaa sheegay in qorshaha xabad joojinta Somaliland uu ahaa mid ay caalamka ku qaldaysay.

"Caalamka ayay qaldayaan qorshaha ay ku socdaan in ay maati dooxyihiin, in dal iyo dad anay lahayn burburinayaan, in ay awood sheeganayaan, way is bideen laakiin u suurtoobi mayso" ayuu yidhi Shoodhe.

Waxa uu sheegay in qorshohoodu yahay in dhulka SSC ay ka xoreeyaan ciidamada Somaliland, isla markaana ay iyagu gacanta sare yeelan doonaan oo ay jabin doonaan ciidamada Somaliland.

Waxa uu sheegay in ciidamo Puntland ah ama Soomaaliyada kale ka yimid anay joogin magaalada Laascaanood, inkasta oo ay jiraan saraakiil hore uga tirsana ciidamada Soomaaliya oo Laascaanood ku sugan, iyo ciidamo beeleedyo ka yimid Puntland.

Waxa uu sheegay  in ay xabada joojin doonaan hadii ciidamada Somaliland ay Caynaba tagaan sida uu hadalka u dhigay isaga oo sheegay in inta kale ay leeyihiin shacabka SSC.