4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2023
Faysal Cali Waraabe oo taageeray qorshaha cusub ee millateriga Somaliland ku wajahayo dagaalka Laascaanood

Axad, Maarso, 26, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa taageero u muujiyay qorshaha millateriga Somaliland uu ku doonayo in uu ku weeraro xoogaga kula dagaalamaya Laascaanood.

Qoraal uu Waraabe ku baahiyay bogiisa Twitterka ayuu ku sheegay in koox uu hore u sheegay in uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ay soo weerareen ciidamada.

“Iyada oo lagu jiro bishii Illaahay bilaha ka doortay ee Ramadaan ayey xulufadi G21 maanta ay so weeratay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waan hambalyeeyna yaa guusha ay gaadheen ciidanka qaranku" ayuu yidhi Waraabe.

Waraabe ayaa si buuxda usoo dhaweeyay dagaalka uu ciidanku sheegay in uu ku qaadayo xoogaga kula dagaalamaya Laascaanood "Waxaa Kale oo aan soo dhaweynaya istiraatijiya-da cusub ee ciidanku qaatay.”

Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan madaxweynaha Somaliland ku canaantay in aanu hayn qorshe dagaal ama nabadeed oo uu kusoo afjaro colaada Laascaanood, hadalkiisa oo loo fasirtay in uu rabo in ciidanku dagaal buuxa qaado.

Afhayeenka millateriga ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidanku uu dagaal buuxa ku qaadi doono xoogaga dagaalka kula jira, ee kula dagaalamaya Laascaanood, kadib dagaal maanta labada dhinac dhexmaray.