4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 26, 2023
Dagaal saaka markale ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood

Axad, Maarso, 26, 2023 (HOL) - Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogaga kula dagaalamaya Laascaanood, ayaa saaka markale qarxay, iyadoo uu dagaalku hada ka socdo qaar kamid ah jihooyinka magaalada.

Somaliland oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in kooxo huwan ah oo iskugu jira ciidamada Puntland, kooxo nabad diid ah iyo argagixiso is bahaysatay ay saaka weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidanka millateriga, waxayna sheegtay in millaterigu ay iska difaaceen weerarka.

Dhanka kale warsaxafadeed ay baahiyeen isimada dhaqanka ee Laascaanood ku sugan, ayaa dhankooda sheegay in weerarka ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen, waxayna sheegeen in ay is difaacayaan ilaa ciidamada Somaliland ay ka baxaan dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn.

Xaalada gobolka Sool ayaa daganayd maalmihii lasoo dhaafay marka laga reebo istuur tuur kooban oo mararka qaar labada dhinac dhexmarayay, waxaana jiray ciidamo beeleedyo kasoo qulqulayay dhinaca Puntland, halka Somaliland-na ciidamo kale oo xoojin ah ay gaysay gobolka.

Ilaa hada laguma guulaysan in si buuxda xabada loo joojiyo iyada oo aan laga warhayn halka ay ku danbaysay dhexdhexaadin dowlada Itoobiya ka dhex waday dhinacyada, waxaana hada laga war sugayaa halka ay caga dhigato dhexdhexaadin ay wadaan odayaal Muqdisho ka yimid.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka saaka, iyadoo dagaalo maalmihii lasoo dhaafay dhacay uu ka dhashay khasaare balaadhan oo soo kala gaadhay dhinacyada.