4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2023
Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino oo geystay khasaare dhmasho iyo dhaawac leh lagula eegtay duuleedka magaaladaasi gaari ay leeyihiin ciidamada dalka Kenya.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka la galiyo laguna aasay inta u dhaxeysa deegaanada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Laamu, waxaana gaariga qaraxa uu haleelay uu kasoo baxay deegaanka Kiyuunga, wuxuuna kusii jeeday deegaanka Shangaani.

Wararka hordhaca ah ee laga helay gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan ciidanka Kenya ee saarna gaarigaas, hayeeshee lama xaqiijin karo tirada rasmiga ee askarta ku geeriyooday qaraxaasi miino, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya.

Deegaanada dhaca gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa inta badan ciidamada Kenya lagula eegta qaraxyo noocaan oo kale ah iyo weeraro toos ah oo lagu beegsado xiliyada ay ku safrayaan wadooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyadoo masuliyada qaraxyada iyo weeraradaas ay sheegtaan kooxda Al-shabaab.