5/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2023
Eng Yarow Shariif Aadan (Hoggaamiyihii Wagosha) oo ku geeriyooday dalka UK

Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Eng Yarow Shariif Aadan oo ah gudoomiyihii golaha dhaqanka iyo Siyaasada ee reer Goleedka (Somali Bantu ama Wogasha), ayaa ku geeriyooday magaalada Cardiff ee UK.

Allaha u naxariistii Eng, Yarow wuuxuu ahaa aqoonyahan wax ku bartay jaamacadaha UK iyo Kuwait. Dhinaca kale wuxuu ahaa u dhaqdhaqaaqe u doodi jiray caddaladda bulshada uu kasoo jeedo ee Bantuuga ee ku dhaqan dhulka Jubbooyinka, halkaas oo uu muddo ka hadli jiray caddaalad darro ay ka tirsanayeen dhismaha maamulka Jubbaland.

Wuxuu ahaa siyaasi qeyb ka ahaa marxaladihii kala duwanaa ee dowlad dhiska Soomaaliya, Inkastoo sanadihiisii dambe uu ku sugnaa dhinaca qurbaha .

Wasiirka wafaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa'uud Aways  ayaa sheegay Eng, Yaraw inuu ahaa codkar naf iyo maal u huray dalkiisa iyo dadkiisa.

“Innaa Lillahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allah ha u naxariisto Eng Yarow Sharif Aden Mashemba oo xaley ku geeriyooday magaalada Cardiff, Gobolka Wales ee UK. Waxaa uu ahaa halyey codkar ah oo naf iyo maal u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Eng Yarow waxaa uu ahaa saaxiib labaatankii sanno ee la soo dhaafey aan si dhow u soo wada shaqeynay, ”ayuu yiri Daauud Aways.

Wasiirka warfaatinta ayaa tacsi uga diray qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.














Click here
3/17/2023 4:03 PM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - War murtiyeed ayaa lagasoo saaray shirka golaha wadatashiga qaran ee Dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

3/17/2023 9:23 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Madaxweyne William Ruto ayaa bogaadiyay horumarka ay bulshada Bariga Afrika ku tallaabsatay tan iyo markii la aasaasay ku dhawaad 25 sano ka hor.

3/17/2023 5:04 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

3/17/2023 3:47 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta (SJS), Ururka Warbaahinta (SOMA) iyo ururka Badbaadada Suxufiyiinta, (SMSJ) ayaa ka dhiidhiyay xariga sharci darrada ah ee lagu hayo Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Muumin, waxayna ku baaqeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo.

3/17/2023 3:08 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen Odawa Yuusuf Raage ayaa booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Kenya.

3/17/2023 1:51 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xoojinaya xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan ee iskaashiga, sida uu sheegay xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya Maxamed Cumar Yariisow.