4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2023
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Maanta ka furmay magaalada Baydhabo

Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka daahfuray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Jaamac iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkaan Wadatashiga Qaran ee Baydhabo ka furmay waxaa lagu lafo guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hanaanka fedaraaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaan ka qeybgalin shirkaan Maanta ka furmay Baydhabo, isagoo dhawaan shaaciyay in maamulkiisa uu u dhaqmi doono sida dowlad madax banaan oo kale.

Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana gabagabada shirkaan la filaya in madaxdu soo saaraan War murtiyeed la xariira waxyaabaha looga hadlay shirka wadatashiga Qaran.