3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2023
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif uu ku xad gudbay qaranimada Somaliland

Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) -  Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka oo waraysi siiyay warbaahinta, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ku eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland kadib markii uu taageeray go'aamadii garaadada ku sugan magaalada Laascaanood.

"Waxan aaminsanahay in uu ka talaabay xadkii Somaliland, eedayntu waxay taagantahay in aan isku toosino ama isku dhaliilno xayndaabkeena, ee loogu doortay in uu guddoomiyihii golaha wakiilada noqdo" ayuu yidhi Saylici.

Madaxwwynu ku xigeenku waxa uu sheegay in guddoomiye Khaliif uu taageeray guddida 33-ka ah oo uu sheegay in anay cidna dooran, isla markaana uu hoos tagay calanka buluuga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in laga rabay in uu isagu wax saxo ee aanu raacin.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in uu ciidanka been ka sheegay "Waxa uu sameeyay hadalo ku dar dar ah oo ciidanka Somaliland ah, oo uu yidhi ciidamadu rag bay guryo kala baxeen, iyo dad ayay gaadhiyo kala hadheen oo ay laayeen, waxan leeyahay waa eedayn looga fadhiyo caddaynteeda".

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo dhawaan warbaahin kula hadlay Laascaanood, ayaa sheegay in uu taageersanyahay go'aamadii ay soo saareen garaadadu, isaga oo ciidamada ku eedeeyay in ay duqayn ka gaysteen magaalada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/16/2023 10:38 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka daahfuray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

3/16/2023 10:16 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaalya Larry Andre ayaa kala saxiixday heshiis la xariira tayaynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab.

3/16/2023 4:57 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Buuraleyda fogfog ee Puntland, waxaa todobaadkan ku dagaalamay Al-Shabaab iyo Daacish, dagaaladii ugu dambeeyay ayaa u dhaxeeyay dhinacyada isku haya gacan ku heynta iyo saameynta buuraleyda Cal-Miskaad tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2018-kii.

3/16/2023 4:04 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kaga qeyb gashay shirka horumarinta gaadiidka adduunka oo uu soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka.

3/16/2023 1:46 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay inuu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

3/16/2023 1:22 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa soo dhaweysay arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Soomaaliya.