3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2023
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka horumarinta gaadiidka adduunka
 

Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kaga qeyb gashay shirka horumarinta gaadiidka adduunka oo uu soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka.

Wasiir Fardowsa ayaa kulanka ku soo bandhigtay caqabadaha ka haysta gaadiidka iyo horumarinta Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka waxay sheegtay in dagaallada, colaadaha, saameynta cimilada iyo Covid-19 ay dib u dhigeen geeddi-socodka gaadiidka Soomaaliya.

Wasiir Fardowsa ayaa la filayaa in inta ay ku sugan tahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ay kulamo kala duwan la qaadato qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Bankiga adduunka ayaa sheegay in shirkaan oo sanadkii mar la qabto la isku dhaafsado macluumaadka dhinacyada horumarinta gaadiidka iyo waddooyinka waaweyn ee laamiyada iyo garoomada diyaaradaha.












Click here
3/16/2023 10:38 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka daahfuray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

3/16/2023 10:16 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaalya Larry Andre ayaa kala saxiixday heshiis la xariira tayaynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab.

3/16/2023 7:33 AM EST
Khamiis, March, 16, 2023 (HOL) - Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland.

3/16/2023 4:57 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Buuraleyda fogfog ee Puntland, waxaa todobaadkan ku dagaalamay Al-Shabaab iyo Daacish, dagaaladii ugu dambeeyay ayaa u dhaxeeyay dhinacyada isku haya gacan ku heynta iyo saameynta buuraleyda Cal-Miskaad tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2018-kii.

3/16/2023 1:46 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay inuu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

3/16/2023 1:22 AM EST
Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa soo dhaweysay arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Soomaaliya.